Turkiga oo kordhiyay Ciidamada iyo Tirada Maraakiibtooda ku sugan Xeebaha Soomaaliya

Ciidamada Turkiga oo kaashanaya Askarta Soomaalida ayaa xoojiyay howlgallada ay ku xaqiijinayaan Amniga Xeebaha Soomaaliya.

Muuqaalo la baahiyay ayaa muujinaya Maraakiibta Ciidamada Turkiga ee loo yaqaan TCG, Korkut, Altan iyo Sancar oo sugaya Amniga Markabka Jaari Bay oo qodaya Shidaalka Soomaaliya.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegaya in Xukumadda Ankara ay kordhisay joogitaanka Ciidamadeeda ee Biyaha Soomaaliya, si loola dagaalamo Kooxaha Burcad-badeeda iyo Kalluumeysiga Sharci darrada.

Tillaabadan ayaa ku soo aadeysa xilli dhawaan Ciidamada Turkiga oo kaashanaya Xoogga Dalka ay si xoog ah ku soo furteen Markabka MV Latuf oo ay Degmada Eyl ku heysteen Kooxo Burcad-badeed ah.

Sanadihii la soo dhaafay Dowladda Turkiga ayaa kor u qaaday tababarada iyo taageerada ay siineyso Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, si ay ula wareegaan Mas’uuliyadda Dalka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

BFS oo u codeeyay Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga Qaranka