Turkiga oo kordhiyay Ciidamada iyo Tirada Maraakiibtooda ku sugan Xeebaha Soomaaliya
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u codeeyay Hindise sharciyeedka Sharciga la dagaalanak Burcad Badeedda iyo kahortagga Afduubka oo soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka Soomaaliya.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim oo shir guddoominayay Kulankaan ayaa ku dhawaaqay natiijada isaga oo sheegay in cod aqlabiyad ah uu Aqalkaas ku ansixiyay hindise sharciyeedkaas la horgeeyay.
Sharciga la dagaalanka Burcad Badeedda iyo kahortagga Afduubka oo horay usoo ansixiyay Golaha Shacabka ayaa u wareegaya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo saxiixaya kaddibna Madaxtooyadu ay kusoo saari doonto faafinta rasmiga ah.
Hindise sharciyeedkaan waxa uu ku biiraya shuruucda uu ansixiyay Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana weli horyaalla kuwo kale oo qaarkood ka gudbay doodaha Xildhibaannada kuwaas oo dhowaan loo codayn doonno.
Mustaqbal
