Madaxweynaha Gambia oo Shacabkiisa ka dibadbaxaya Koronto la’aanta ka codsaday in ay is dejiyaan

Madaxweynaha Gambia, Adama Barrow oo ka hadlay dibadbaxyada ka socda dalkiisa ee ka dhashay koronto la’aanta iyo deegaannada qaar oo si goos goos ah loo helo adeeggaas kaddib markii cillad ay ku timid matoorada dabka dhaliya.

Fariin uu u diray Shacabkiisa waxa uu Madaxweyne Adama Barrow ku sheegay in dhibaatada keliya aanay ku koobnayn dadkaas dibadbaxa balse ay la qabaan mugdiga ka jira dalka Gambia sida uu hadalka u dhigay.

“Kaligiin mugdiga kuma jirtaan ee dulqaata” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Gambia, Aadama Barrow oo fariintaas furan u diray Dadkiisa ka dibadbaxaya Koronto la’aanta ee isku dhaca dhexmaray ciidamada ammaanka.

Muddo 9 sano iyo 8 bil uu xafiiska joogo Madaxweyne Adama Barrow waxa uu dalkiisa wajahayaa dhibaato ka dhalatay dhinaca Adeegga Korontada, Dowladdu waxa ay horay u sheegtay in ay ku bixiso miisaaniyad u gaar ah.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Soomaaliya diyaar ma u tahay in ay mas’uuliyadda Amniga dalka kala wareegto AUSSOM?

Read Next

Golaha Aqalka Sare BFS oo ansixiyay Sharciga la dagaalanka Burcad Badeeda