Turkiga oo kordhiyay Ciidamada iyo Tirada Maraakiibtooda ku sugan Xeebaha Soomaaliya
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gudan karto mas’uuliyadda Amniga Dalka inay kala wareegto Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM haddii ay baxaan sida uu sheegay Agaasimaha guud ee Xarunta TUBSAN, Cali Yaasiin Gurbe.
Waxa uu sheegay in diyaargarow dhinacyo kala duwan in ay Soomaaliya u gashay la wareegista mas’uuliyadda Amniga Dalka sidaas awgeed sanadihii u dambeeyay sanadihii u dambeeyay ay xaruntooda wadday la dagaalanaka waxa loogu yeero Argagixisada.
Cali Yaasiin ayaa sheegay in Soomaaliya ay khibrad u yeelatay la tacaalidda AS iyo dib u dhiska Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka oo ay kamid yihiin kuwa Amniga iyaga oo haatan haysta waaya aragnimo ku filan sida uu hadalka u dhigay.
Gurbe ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay saaxiibo la tahay Dalal kala duwan isla markaana uu ka dhaxeeya iskaashi dhinaca Amniga ah, waxaana uu carrabka ku dhuftay in aanay jirin cabsi ku saabsan dhinaca nabadgalyada Dalka.
Mustaqbal
