Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Ugu yaraan 7 Qof ayaa maanta ka soo muuqday maxkamadda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya,kuwaas oo lagu soo eedeeyay dambiyo badan.
Marka 1aad Nimankan ayaa waxaa ay Taleefan u eg midka Madaxweynaha Uhuru Kenyatta ka waceen madaxa sharikadda Sameer Africa ,oo lagu magacaabo Naushad Meralli.
Ninkan ayaa markii la soo wacay waxaa uu ku maqnaa dalka dibaddiisa,waxaana lagu yiri “waxaa kula hadlaya madaxtooyada Kenya,waxaan dooneynaa inaad fududeyso iibsiga dhul,lacagta dib ayaan kaa siinayaa”.
Naushad Meralli, ayaa madaxa maaliyadda ee sharikaddiisa Sameer Afrika amar ku siiyay in lacagta la weydiistay oo dhan 10Milyan oo Shilinka Kenya ah uu ku shubo Akoon Bangiga Equity Bank, kaas oo ay raggan u sheegeen.
Todobada qof ee Qiyaanadan loo xiray ayaa kala ah; Joseph Waswa, Duncan Muchai, Isaac Wajekeche, William Simiyu, David Luganya, Gilbert Kirunja iyo Anthony Wafula.
