MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Ciidamada Nabad-Sugidda Jubbaland ee gobolka gedo ayaa ku guulaystay in ay soo qabtaan Gaadiid siday daawooyin iyo cabitaanno dhacay oo loo waday deegaano hoos taga degmada Balad Xaawo.
Daawooyinkan iyo cabitaanada dhacay ayaa la doonayay in si dhuumaaleysi loogu iibiyo gudaha gobolka Gedo sida ay sheegeen saraakiisa Nabad Sugida Jubbaland.

Saraakiisha Nabad-Sugidda iyo sirdoonka Jubbaland gaar ahaan kuwa degmada Balad xaawo ayaa sheegay in ay baaritaanno dheeraad ah ku hayaan halka laga keenay alaabtan dhacdey,waxa ayna intaasi ku dareen in ay Saxaafadda u soo bandhigi doonaan waxyaabaha ka soo baxa baaritaanada.

Maalmahaan dambe deeganada Jubbaland waxaa hadal hayn ka dhex abuurtay in ay jiraan waxyaabo dhacay oo lagu iibiyo deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Jubbaland.

