Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Magaalada Dooxa ee Dalka Qatar.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayay oo Barqonimadii maanta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa galabta gaaray Magaalada Dooxa.

Xubno ka socday Dowladda Qatar ayaa wafdiga kusii sugayay Garoonka Diyaaradaha ee Dooxa, iyaga oo usii galbiyay Xarunta Madaxtooyada.

Kulamo gaargaar ah ayaa caawa la filayaa in ay wada qaataan wafdiga la socdo Madaxweyne Farmaajo iyo Mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Dooxa.

Wasiirada Maaliyadda iyo Dekedaha Soomaaliya ayaa la kulmaya Wasiirada Qatar, si ay ugu wada hadlaan Mashaariicda Qatar ee Soomaaliya ka fulineyso.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in Berri oo Arbaco ah ay kulan wada qaadan doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.

Waxa ay kawada hadlayaan xoojinta xiriirka labada dal, sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta.

Madaxweyne Farmaajo oo Dooxa lagu soo dhoweeyay.
Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdiga Qatar ee Garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay.
Soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo ee Magaalada Dooxa.

 

Web master

Read Previous

Jubbaland oo qabatay daawooyin dhacay. Sawirro.

Read Next

Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdi ka socday Beesha Caalamka oo Kismaayo ku kulmay.