MW JFS “Macallinka Soomaaliyeed waxa uu hayaa shaqo adag, waana lagu abaalmarin doonnaa”  

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay maalinta Macallinka Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray Macallimiinta isaga oo uga garaabay duruufaha adag uu ku jiro.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in maalin uun loo abaalgudi doonno Macallinka Soomaaliyeed oo howlo culus u haya Bulshada, waxaana uu ku baaqay in la garab istaago isla markaana mudnaan la siiyo.

Waxa uu tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saartay waxbarashada iyada oo shaqo gelisay kumanaan Macallin oo si bilaash ah wax ugu bara Arday Soomaaliyeed, waxaana uu rajeeyay in sanadaha soo socda lasii kordhiyo howshaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaciyay in marka la rabo in Bulsho la dumiyo laga beegsado Macallimiinta ama Waxbarashada maadaama la dagaalanka Jahliga iyo dhismaha Mustaqbal ifaaya uu ka shaqeynayo Macallinka sida uu hadalka u dhigay.

“Waa maalin nawada farxad gelineysa waaye Maalinta Macallinka Soomaaliyeed, waxa aan leeyahay shaqada aad haysaan waa mid sharaf badan, Askariga & Macallinka ayaa shaqo soomaaliyeed oo culus haya, Maalin uun waala abaalmarin doonnaa, Wiil & Gabadh Soomaaliyeed ayaa maanta Iskuul aadaya iyada oo aan lacag laga rabin” ayuu yiri MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

10 Dal ee Ciidamada ugu badan ku leh Howlgallada Qaramada Midoobay ee Nabad  

Read Next

Donald Trump oo laalay shuruucdii ilaalinaysay in la tarxiilo Soomaalida soogalootiga ah ee ku nool Minnesota