MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya
Qaramada Midoobay ayaa dul istaagtay daraasadda muujineysa 10ka Dal ee Ciidamada ugu badna ku leh howlgallada Ururkaas ee ka socda Dalal badan oo Caalamka ah, waxaana lagu ogaaday diiwaanka askarta iyo saraakiisha u diiwaangashan UN-ka.
Dalka ugu badan ee ciidamo diray waa Nepal, waxaa la sheegay in askarta ka socota ay joogaan kala bar 20ka Dal ee nabad ilaalintu ka socoto, waxaa looga mahadceliyay sida naf-hurnimada ah ee Wiilashada iyo Dumarka ka socda ay qayb uga yihiin howlgallladaan.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in duruufo adag iyo halis miisaankeeda ah ay dhexda uga jiraan ciidamada ka socda Nepal ee ka howlgallaya dalal aanay xasilooneen oo looga baahan yahay ilaalinta Dadka u dhashay Dalalkaas si aan loo dhibaateen.
Waddamada ku wehliya Nepal ee askarta ugu badan ku leh howlgallada Qaramada Midoobay waxa ay kala yihiin Pakistan, Rwanda, Ghana, Bangladesh, China, India, Morocco, Indonesia & Ethiopia sida lagu muujiyay Warbixinta UN-ka.
“Nepal waxa ay u diraa in ka badan 5,400 askari iyo saraakiil boolis ah tobanka howlgal nabad ilaalineed ee Qaramada Midoobay ee ka socda dunida dacaladeeda, Waxa ay ugu adeegayaan nabadda iyaga oo halis weyn iyo duruufo adag ku shaqeynaya si ay dadka kale u caawiyaan, Waxa aan u mahadcelineynaa Haweenka & Ragga geesiyaasha ah ee dhabar adeega iyo naf-hurnimada muujiya” ayaa lagu yiri warka Qaramada Midoobay.
Isbaddel ayaa ku yimid dalal muddo hoggaanka u hayay ciidamada ugu badan ee nabad ilaalinta ah ee loo dirayo Dalalka dhibaatooyinka nabadgalyada ay ka jiraan sida Maraykanka, Faransiiska, Masar iyo kuwo kale sababo ilaa haatan aanay la ogaan.
Mustaqbal
