DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1
Muwaadin Soomaaliyeed ayaa Xanuunka Coronavirus waxa uu ugu geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaaladda u ah dalka Koofur Afrika ee Cape Town.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jirey Cali Kheyre oo lagu naanaysi jirey Cali Xaashi uu xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalladda Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.
Guddoomiyaha Jaalliyadda Soomaaliyeed a ku nool dalkaasi, Khaliif Xuseen waxa uu sheegay in ay Dhakhaatiirta u xaqiijiyeen inu u Marxuumku u geeriyooday COVID 19 mudooyinkii dambana xaaladiisa Caafimaad lagula tacaalayay Isbitaal ku yaallada dalkaasi.
Allaha U Naxariisto Marxuum Cali Kheyre Waa Muwaadinkii u horeeyey ee Soomaali ah ee COVID 19 ugu geeeriyooda dalka Koonfur Afrika sida ay xaqiijiyeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika.
Guud ahaan dalka Koofur Afrika ayaa Xaqiijiyay 3,300 oo kiis, 58 dhimasho ah ,1,055 ruux oo ka soo kabsatay Xanuunka dilaaga ah Covid-19 sida ay xaqiijisay hay’adda Caafimaadka Aduunka WHO.
Guud ahaan Caalamka, ku dhawaad 2.5 milyan oo qof ayaa uu cudurka qaaday in kabadan 170,000 oo qofna way u dhinteen fayraska Shiinaha ka soo bilaawday dhamaadka sanadkii tagay ee 2019.
