Muwaaddin Soomaali ahaa oo lagu dilay Koofur Afrika

Burcad Koofur Afrikaan ah ayaa xalay fiidkii dalka Koofur Afrika ku dilay muwaaddin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Xuseen Cali Saqiir.

Dilka ayaa ka dhacay degaanka Naas ee Gobolka Mpumalanga,ee dalka Koofur Afrika isaga oo ku sugnaa dukaan uu ka shaqeynayay.

Xuseen Cali Saqiir ayaa dalka Koofur Afrika joogay muddo sideed bilood ah kaliya, waxaana uu xilliga dilkiisa dhacayay ka shaqeynayay Dukaan uu shaqaale ka ahaa.

Dalka Koofur Afrika ayaa waxaa ku badan dilalka loo geysto Soomaalida,waxaana sidoo kale lagu beegsadaa dadka ajannabiga ah ee guud ahaan ka shaqeysta dalka Koofur Afrika.

Soomaalida Koofur Afrika oo jaaliyado u sameysanyihiin ayaa waxaa ay markasta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka codsataa in ay wax ka qabato ama dowladda Koofur Afrika kala hadasho beegsiga loo geysto.

Web master

Read Previous

DS oo Hay’adaha deggan Xalane ka dalbatay in ay beddelaan magaca ay u adeegsadaan Garoonka Aadan Cadde

Read Next

Shaqo: codeeyayaal aan joogto ahayn