Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Mustaqbal media oo kakooban Xarun Raadiye, Degital (Webiste & Social media), waxna ku baahiya Baraha kaladuwan ee Bulshada waxa uu kamid yahay Warbaahinta xirfad yahanka ah ee Soomaaliya, xaruntiisa weyn waxa ay kutaal Muqdisho
Kaalinta: Codeeyeyaal (Announcers)
Faahfaahin Shaqo maalmeed
Mustaqbal Waxa ay raadineysaa 3 qof oo u qabta shaqada Codeeyeyaal aan joogto ahayn kuwaas oo ku codeynaya maqaalada Maqalka & Muuqaalka.
Afafka
Soomaali (Waa in uu/ ay si wanaagsan u qori karto ugu hadli karto waxna ku curin karto
English: Fahmi karo
Carabi: Fahmi karo
Afka Soomaaliga oo ah salka iyo aaladda aan wax ku gudbino Qoraal, Maqal iyo Muuqaalba waa in uu/in ay si dhammeystiran u fahmo ugna hadli karo qoraal iyo Maqal labadaba.
Aqoonta & Xirfadda
Codeeyaha waxa looga baahan yahay
- In uu/ay si fiican ugu hadli karo, u qori karo una fahmi karo Afka Soomaaliga (Lahjadaha Mayga & Maxaatiriga)
- In uu/ay Dhameysay Dugsiga sare
- In codkiisu/codkeedu yahay cod miisaan leh (Deeper voice)
Maxaa looga baahan yahay oo dheeri ah?
1) CV (Sooyaal)
2) Katalabixinta shaqaaleysiinta
Emailka Codsiga
To: mustaqbalfm@gmail.com
CC:info@mustaqbalradio.net
