DS oo Hay’adaha deggan Xalane ka dalbatay in ay beddelaan magaca ay u adeegsadaan Garoonka Aadan Cadde

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa warqad u dirtay Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, AMISOM, safaaradaha , sharikadaha duullimaadka iyo dhamaan hay’adaha kale ee shisheeye ee deggan Magaalada Muqdisho.

Warqadda ayaa ujeedadeedu ahayd in Dadka ay ku socoto warqaddaas magaca Garoonka Adan Cadde uusan ahayn Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho balse uu yahay Garoonka Aada Cadde ee Caalamiga ag.

Hay’adaha ayaa loogu sheegay warqaddan in magaca Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho loo beddelay magaca uu hadda wato si loogu maamuuso madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya  Aadan Cabdulle Cismaan.

Warqadda ayaa ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar.

Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan u beddelaan magaca Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho oo wali ku jira warqadaha rasmiga ee la isu diro.

Web master

Read Previous

Nigeria oo Somaliya ku taageertay xiriirka ay u jartay Guinea

Read Next

Muwaaddin Soomaali ahaa oo lagu dilay Koofur Afrika