Mr. Nicholas  Haysom  oo loo soo magacaabay inuu beddelo Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire Michael Keating .

Mr. Nicholas “Fink” Haysom ayaa loo soo magacaabay inuu beddelo Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire Michael Keating,  Dublamaasigan cusub ee Soomaaliya loo soo magacaabay ayaa u dhashay dalka Koofur Afrika.

Danjire Michael Keating  oo maamulayay  xafiiska QM ee Somalia – UNSOM ayaa loo magacaabay xilka uu isaga dagayo  22-kii Bishii November, 2015, Isagoo  bedelay ergaygii ka horreeyay ee QM ee arrimaha Somalia, Nicholas Kay oo u dhashay dalka Ingiriiska.

Wakiilka cusub ee lagu bedelayo Michael Keating  ayaa haatan wuxuu yahay Safiirka Qaramada midoobe ee Dalalka Sudan iyo Koofurta Sudan, iyadoo labadaas dalna Safiir looga dhigay Bishii March ee 2016, Wuxuuna xafiiska si rasmi ah u fariistay Jully.

Sidoo kale, ergaygan cusub ee bedelaya danjire Michael Keating , Wuxuu  ahaa Wakiilkii Qaramada Midoobe ee dalka Afghanistan  25-kii September 2014, Sidoo kale Nicholas “Fink” Haysom  waa Qareen diirada saara arimaha dimuqraadiyada.

Qaramada Midoobay ayaan weli ka hadlin arrinta ku saabsan inay ergaygeeda Soomaaliya uga wakiilka ah Danjire Michael Keating   ay bedelayso, balse ilo wareedyo kale ayaa Mustaqbal u xaqiijiyay in xafiiska UNSOM ee Somalia loo magacaabi doono ergay cusub oo South Afrikaanka Cadaanka ah.

Ergayga cusub ee lagu bedelayo Danjire Michael Keating   ayaa wuxuu xilka la wareegi doonaa marka uu sannadkan dhamaadka ku dhowyahay, maadaama xilliga shaqo ee Danjire Keating ku eg-tahay Bisha  December 2018-ka.

Dhanka kale, ergayga cusub ee lagu bedelayo ergayga Qaramada Midoobe  ee Soomaaliya Mr. Nicholas “Fink” Haysom  ayaa wuxuu yahay 66 sano jir, Isagoo dhashay April 21, 1952.

Ugu dambeyn, Danjire Michael  Keating  ayaa tan iyo markii loo magacaabay inuu ergayga QM ee arrimaha Soomaaliya noqdo, wuxuu xoogga saaray sidii Soomaaliya ay uga dhici lahayd doorasho Qof iyo Cod ah marka la gaaro sannadka 2020-ka ee nagu soo wajahan, waloow aan la ogeyn sida doorashadaas aanu xaadirka ka eheyn noqon doonto.

Si kastaba, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaa waxay shaqadiisu tahay inuu dhanka siyaasada ka caawiyo dowladda Soomaaliya, sidoo kalena uu gacan ka geysto dar-dar-gelinta howlgallada ciidamada AMISOM ay ka wadaan Somalia.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Diyaarad uu saarnaa wasiirka amniga Soomaaliya oo laga soo celiyey Nayrobi

Read Next

How murder of tourist changed fate of Lamu