Meydadka Gabdho Soomaali ah oo laga helay Mareykanka.

Wararka ka imaanaya Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka ayaa sheegaya in Xaafadda Chaska laga helay Meydadka Haween ehel ahaa oo Soomaali ah.

Tan iyo Habeenkii Jimcihii dhamaadkii Todobaadkii tagay ayaa la la’aa Raq iyo Ruux Haweenkan meydkooda Xalay la helay.

Soomaalida Mareykanka kunool ayaa sheegay in Seynab Cabddalla iyo Xafso Cabdi oo ah Haweenka Meydkooda la helay in ay ahaayeen Gabar iyo Habaryarteed.

Waxa ay Soomaalida kunool Mareykanka ay sheegeen in Baaritaano dheer kadib ay heleen Xogta ah in Gaariga uu ku dhacay Haro ku taalla Magaalada Chaska, sidaasne ay ugu wargeliyeen Booliiska.

Ehelka Seynab iyo Xafso oo hadlay ma sheegin Tuhun ay qabaan oo ku aadan waxyaabaha keenay in Nolol iyo Geeri lagu waayo muddada intaa la eg iyo hadii ay jiraan Tuhumo kale oo ay qabaan.

Waxa ay dhowaan dhameen Dugsiga Sare, iyaga oo shaqo helay oo Xiliga la weynayay wararku sheegayaan in ay usii socdeen.

Mustaqbal media

Read Previous

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Maanta ku Wajahan Magaalada Jowhar.

Read Next

Madaxweyne Farmaajo oo kulamo la qaatay Qaybaha Bulshada Magaalada Marka.