Madaxweyne Farmaajo oo kulamo la qaatay Qaybaha Bulshada Magaalada Marka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo xalay ku hoyday Magaalada Marka waxa uu kulamo la qaatay xubno laga soo xulay qaybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada.

Waxyaabaha ugu badan ee uu kala hadlayay waxaa kamid ahaa in Ciidamada Dowladda ay ka gacan siiyaan sidii ay u tagi lahaayeen Deegaanada dhaca Duleedka Marka ee ay ku sugan yihiin Al-Shabaab iyo dib u heshiisiinta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladiisa ay ka go’an tahay Howlaha dib u heshiisiinta ah.

Shacabka Magaalada Marka waxa uu ka dalbaday in ay ka gacan geystaan Ol-olaha Dowladiisu ay wado ee isugu jirto la dagaalanka Al-Shabaab iyo dib u heshiisiinta Shacabka wax kala tirsanaya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarka uu ku tagay Magaalada Marka ahaa mid aan horay loosii shaacin.

Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay Magaalada Marka waxaa ka dhacayay Dagaal Beeleed Saameyn ku yeeshay Dadka Deegaanka.

Mustaqbal media

Read Previous

Meydadka Gabdho Soomaali ah oo laga helay Mareykanka.

Read Next

Dagaal u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda oo ka dhacay Deegaanka Daynuunay.