Wararka ka imaanaya Deegaanka Daynuunay oo qiyaastii 26KM u jirtay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in dagaal uu halkaa ka dhacay.
Al Shabaab ayaa saakay aroortii weerar ku qaaday deegaanka Deynuunaay, waxayna wararku sheegayaan in Saacado uu socday dagaalka.
Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in ay iska difaaceen Weerarka ay ku qaadeen Shabaab.
Dadka degaanka waxa ay sheegeen in dagaalka Xoogiisa uu istaagay balse wali la maqlayo Rasaas goos goos ah oo ka dhaceysa Daafaha iyo Gudaha Deegaanka.
Ciidamo gurmad ah ayaa ka baxay Magaalada Baydhabo, si ay garab u siiyaan ciidanka Deynuunay ku sugan ee weerarka kala kulmay Al-Shabaab.
Ilaa hadda lama hayo inta uu gaarsiisan yahay Khasaaraha ka dhashay dagaalkan, maadaama labada dhinac ay isku adeegsanayeen hubka nuucyadii kala duwan.
Saraakiisha Ciidamada Koofur Galbeed waxa ay Mustaqbal u sheegeen in ay dib kasoo sheegi doonaan Khasaaraha dhankooda gaaray iyo dhinaca Al-Shabaab.
Al Shabaab ayaa dhowr jeer weerar ku qaaday deegaanka Deynuunay oo ay ku sugan yihiin Ciidamo isugu jiro Millitari katirsan Dowladda Federaalka iyo kuwo hoos taga Maamulka Koofur Galbeed.
