Wararka Mustaqbal Radio ay ka heleyso Magaalada Jowhar waxa ay sheegayaan in dhaq-dhaqaaq lagu soo dhoweynayo Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ku socdo Magaaladaasi.
Wafdigaan ayaa qorshuhu yahay in ay la kulmaan qaar kamid ah qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Maamulka Hir-Shabeelle Xubno katirsan oo Jowhar ku sugan.
Ammaanka guud ee Magaalada Jowhar ayaa saakay lasoo sheegayaa in sare loo qaaday, waxaana la xadiday dhaq-dhaqaaqa Gaadiidka qaybo kamid ah Magaalada, maadaama wafdiga ay isticmaalayaal kolka ay Magaalada Tagaan.
Safarka Xasan Cali Kheyre ee Magaalada Jowhar ayaa ugu dhigan Socdaalkii labaad uu ku tago Magaalada Jowhar tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo uu u Magacaabay Wasiirka Koowaad ee Dalka.
Socdaalkii kan ka horeeyay waxa uu ka qayb galay Xafladii lagu caleemo saaray Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare, waxaana Xiligaas jirtay Xiisad u dhaxeysay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka.
