Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Maxkamadda sare ee dalka Bangaladesh ayaa maanta laashay mid ka mid ah xeerarka ugu cimriga dheeraa dalkaasi ee dhinaca guurka iyo Haweenka.
Maxkamadda ayaa maanta go’aamisay in ay laashay (joojisay) shahaaddada Gabdhaha la siiyo xilliga guurka eek ala caddeyneysa xaaladda ay ku sugantahay.
Haweenka Dalka Bangaladesh ayaa xilliga guurka waxaa ay kala doortaan saddex qodob oo midka ay tahay loogu qorayo shahaaddada guurka waxaana ay kala yihiin (Bigro, Garoob iyo, Carmal (Ninkeeda ka dhintay).
Koox u dooda xuquuqda aadanaha Dalka Bangaladesh ayaa muddo u ololeynayay sidii xeerkaas oo shaqeynayay tan iyo 1961dii meesha looga saari lahaa ugu dambeynna maanta ayey maxkamadda ka soo saartay go’aan kama dambeys ah.
Xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Bangaladesh Amit Talukder, ayaa sheegay in qodobkii birada shahaaddada lagu qorayay lagu beddelay (aan horay u guursan), dadka u doodayay in xeerkan la beddelo ayaa sheegay xaaladda ay ku sugantahay gabadha gaar ahaanna bigranimada in ay tahay mid ka mid ah xogaha shaqsiga ee gaarka ah saxna aysan ahayn in xogta gaarka ah ay taallo xafiisyada dowladda.
Aynun Nahar Siddiqua, oo ah Qareenka Kiiskan Maxkamadda geeyay ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay guusha ay gaareen Haweenka Bangaladesh iyada oo sheegtay in dacwaddan ay gudbiyeen 2014kii ilaa haddana ay u doodayeen.
Maxkamadda sare ee Bangaladesh ayaa shaacisay in wixii ka dambeeya Bisha October ee soo socota xeerkaas la laalay markaas oo ay sheegtay in qodobkan ay ku soo saareyso faafin rasmi ah.
Maxkamadda ayaa sidoo kale dowladda Bangaladesh ku amartay in ay soo saarto xeer la mid ah kan Gabdhaha oo ragga laftooda lagu weydiinayo saddexda kala doorasho ee kala ah ( aan guursan, guursaday ama xaaska ka dhimatay).
Mohammad Ali Akbar Sarker, oo ah Diiwaangeliyaha guurka Muslimiinta ayaa sheegay in Wasaaradda sharciga iyo caddaaladda dowladda Bangaladesh ay ka sugayaan in ay amarto fulinta go’aanka Maxkamadda sare ee dalka Bangaladesh.
Dalka Bangaladesh waa dalka saddexaad ee ugu Muslimiinta badan Caalamka, 168 Milyan oo uu ka koobanyahay dalka Bangaladesh 90% waa Muslimiin.
Isha: AlJazeera
