Ardey Jamaacadeed oo Museveni dacweeyay markii uu Twitterkiisa block ka saaray

Ardey u dhashay Dalka Uganda waxna ka barta Jaamacadda Havard ee Dalka UK ayaa dacwad ku soo oogay Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni iyo labo sarkaal oo ka mid ah dowladda Uganda.

Hillary Seguya, ayaa dacwadda ka dhanka ah Museveni, Afhayeenka dowladda iyo madaxa siyaasadda ee Booliska Uganda ku eedeeyay in ay gefiyeen xuquuq uu siinayo dastuurka Uganda.

Waxaa uu ku dooday in isaga oo dibad joog ah xogaha dowladda iyo waxa  socda dalka uu kala socday Saddexda Twitter ee ay leeyihiin saddexda mas’uul ee uu dacwadda ka gudbiyay.

Maxkamadda sare ee Dalka Uganda ayaa qabatay kiiskan, waxaana dacwaddan ay imaneysaa iyada oo dhawaan Arday u dhashey Mareykanka uu sidan oo kale u dacweeyay Donald Trump markii oo akoonkiisa ka xayiray inkasta oo dood dheer kaddib ardeyga looga guuleystay dacwadda.

Sidoo kale Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa isaga tagay ama damiyay barihiisii Bulshada ee Twitter iyo Facebook, markii sida uu sheegay u adkeysan waayay dhaliilaha ka dhanka ah ee loo soo diro.

Afhayeenka Madaxtooyada Kenya ayaa xaqiijiyay in Uhuru Kenyatta uusan lahayn bar bulshada ay kala socon karaan oo dhinaca Internetka ah hadda.

Web master

Read Previous

Wasaaradda gaadiidka oo qabaneysa shir looga hadlayo Shuruucda gaadiidka badda.

Read Next

Maxkamadda sare ee Bangaladesh oo laashay  shahaaddada Bigranimada Gabdhaha