Maxaa looga hadlayaa kulanka Golaha shacabka ee maanta?

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacaya kulanka 33aad ee kalfdhiga 4aad ee Golaha shacabka.

Kulanka Golaha shacabka SDoomaaliya ee maanta ayaa ajendihiisu waxaa uu yahay U codeynta wax ka badelka sharciga Hantidhawraha guud Iyo Xeer Maamul Bankiga dhexe.

Xeerkan ayaa waxaa horay u soo meel mariyay Golaha Wasiirrada xukuumadda Soomaaliya,waxaana uu gogol xaar u yahay in Bangiga dhexe uu Guddoomiye ka noqon karo Nin Ajanabi ah.

Xildhibaannada  qaar ee Golaha shacabka Soomaaliya ayaa aad baraha bulshada ugu hadal haya in xeerkan ay diidi donaan islaamrkaana aysan ggolaaneyn in qof Ajannabi ah maamulo Bangiga dhexe ee Dalka.

Mustaqbal media

Read Previous

Dhageyso:- Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay in ay dad u qabteen Askari loo dhiibay Al-Shabaab.

Read Next

Al-shabab oo Nin ka tirsanaa Daacish ku dishay Jubada dhexe