Dhageyso:- Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay in ay dad u qabteen Askari loo dhiibay Al-Shabaab.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxiim Muxumed Taakoy ayaa Warbaahinta u sheegay in ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad ku eedeysan in Al-Shabaab ay u dhiibeen Askari katirsan Ciidamada Mamaulkaasi.

Dhacdadaan ayaa dhacday Habeeno kahor, waxaana ay salka ku heysaa sida wararka Magaalada Baladweyne Mustaqbal ay ka heleyso ay sheegaan in Askariga uu dhaawacay Gabar.

Kadib waxaa kusoo baxay Wiilal ay ehel yihiin Gabadha oo uu mindi ku dhaacay askariga kahor inta aan la qaban, muran dheer kadib ay u dhiibeen Al-Shabaab.

Xaafadda Howlwadaag ee Degmada Baladweyne oo dhacdadaan ka dhacday waxaa tagay Ciidamada Ammaanka Maamulka Gobolka Hiiraan, waxa ay soo qabtay dad ay xigto yihiin Cidda Ku eedeysan in ay dhiibtay Askariga.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxiim Muxumed Taakoy ayaa tilmaamay in aan Magaalada Baladweyne dib ugu soo laaban doonin Dadkii waday Askariga sida uu hadalka u dhigay.

Shaqsiyaadka ku jira Gacantooda waxa uu Gudoomiye Taakoy sheegay in ay u maxkamadeyn doonaan falka dhiibista Askariga uu u gacan galay Al-Shabaab.

Maamulka Gobolka Hiiraan Ma sheegin Tirada dadka ay u hayaan falkaan, Askariga goobta ay ku hayaan Al-Shabaab iyo waqtiga la maxkamadeynayo.

Mustaqbal media

Read Previous

Taliye Indha qarshe oo ka hadlay Dagaalka Al-Shabaab iyo waxa ay ka yeelayaan Dadka ay ka qabtaan.

Read Next

Maxaa looga hadlayaa kulanka Golaha shacabka ee maanta?