Wararka laga helayo Magaalada Bu’aale ee Xarunta Gobolka Jubada dhexe ayaa sheegaya in Al-shabaab ay magaaladaas ku dileen nin ka tirsanaa Ururka Daacish.
Ninka ka tirsanaa Daacish ee ay dileen Al-shabaab ayaa magaciisa lagu sheegay Yaxye Xaaji Fiille oo ku magac dheeraa Abuu Zakariye.
Ninkan ayaa 2016kii sida la sheegay dilay nin ka tirsanaa Daacish oo lagu magacaabi jiray Bashiir Abuu Nucmaan.
Sirdoonka Al-shabaab ayaa la xaqiijiyay in ay ka shakiyeen Abuu Zakariye oo lagu tuhmay in uu la shaqeeyo Ururka Daacish qeybtiisa Soomaaliya.
Labada Urur ayaa dhawaan isugu gooddiyay dagaal dhexdooda ah,waxaana Daacish ay sheegatay in Gobolka Bari ay ku dishay 14 ka mid ah Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa dhacdadaas kaddib soo saaray go’aan ay ku beegsanayaan xubnaha ka tirsan Daacish,waxaana Afhayeenka Al-shabaab uu Kooxdaas ku tilmaamay Kansar ay tahay in la iska qabto.
