Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland waxaa lagu wadaa in ay maanta ka dhacdo munaasabadda Caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Puntland.
Siciid Cabdullahi Deni ayaa munaasibadda Caleemasaarkiisa ku casuumay dhamaan Madaxda Maamul Goboleedyada, xubno ka mid ah Dowladda Federaalka ah iyo wakiillada Beesha Caalamka qaarkood.
Wararka qaar waxaa ay sheegayaan in dowladda Federaalka ah ay munaasibaddaas ku matali doonaan Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khyere iyo qaar ka mid ah Golahiisa Wasiirrada.
Sidoo kale waxaa Munaasiabddaas lagu casuumay Madaxda Maamul Goboleedyada sida Galmudug,Hirshabeelle Koofur Galbeed iyo Jubaland.
Lama xaqiijin in ay aqbaleen iyo in kale ka qeybgalka munaasinadda caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullai Deni.
Waxaa kale oo munaasibadda Caleemasaarkiisa maanta ku casuumay Wakiillada ka socda Beesha Caalamka ee jooga Muqdisho,Danjirayaasha waddamada qaar iyo wakiillo ka socda Urur Goboleedka IGAD.
