Maxaa ku qoran cutubka 4-aad ee Dastuurka oo ay ku dhagan yihiin Mucaararka?

Cutubka Afaraad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee wax ka badalka ay ku sameeyeen Labada Gole ee Baarlamaanka ayaa kamid ah doodaha ay xiganayaan Mucaaradka, isla markaasna ay doonayaan in meesha laga saaro.

Cutubka ayaa wuxuu xeerinayaa qoddobo waa wayn oo siyaasadeed, kuwaas oo saldhig u ah Doorashada hoggaanka sare ee heer federaal iyo dowlad goboleed.

Cutubkan ayaa dhigayaa:

1. Habka Doorashada – In hoggaanka dalka iyo heerarka kala duwan ee dowladnimada lagu soo doorto habka qof iyo cod ah, taas oo quseysa Madaxweynaha Jamhuuriyadda, labada aqal ee Baarlamaanka, madaxda dowlad goboleedyada, golayaasha wakiillada gobollada iyo golayaasha deegaanka oo ay ku jiraan duqa magaalada iyo ku-xigeennadiisa.

2. Mudada xilheynta – Dhammaan goleyaasha dowladdu ee heer federaal iyo heer goboleed waxa ay xilka hayn doonaan muddo shan sano ah.

3. Xisbiyada siyaasadda – Waxaa dastuurku xaddiday in ugu yaraan saddex xisbi siyaasadeed ay ka qeyb galaan doorashooyinka heer federaal iyo heer goboleed.

Hase yeeshee, qodobadan ku xusan Cutubka ayaa waxaa diidan Xubnaha Mucaaradka oo doonaya in Dastuurkii 2012 la ansixiyay sidiisa loo daayo, si looga fogaado khilaaf iyo kala fogaansho bulsho.

Ilaa shan jeer ayay dowladda federaalka iyo xubnaha mucaaradka ku kala tageen shirarkii lagu gorfeeyay xallinta khilaafka jira oo la aamisan yahay in ay ku soo biyo shubanayaan Cutubka 4-aad ee Dastuurka.

30 bishii March ee sannadka 2024 ayay labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyeen wax ka badalka Dastuurka ee Afar cutub, iyadoo 1 April uu Madaxweyne Xasan Shiikh si rasmi ah u saxiixay.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Guddiga Doorashada oo shaaciyay dhawaan la qaban doono Doorashada Duqa Muqdisho

Read Next

Maamulka Waqooyi bari oo yeeshay Xildhibaanno