Soomaaliya iyo Pakistan oo wada saxiixday heshiis la xiriira dhinaca Amniga iyo Difaaca
Waxaa lagu dhawaaqay liiska Xildhibaannada Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi bari oo maalmihii lasoo dhaafay xulistiisa uu ku howlahaa guddiga loo xilsaaray, waxaa lagu saleeyay hab qaybsiga beelaha degen gobollada uu maamulkaas maamulayo.
Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Xildhibaannada Waqooyi bar Soomaaliya ayaa shaaciyay in liiskaan ay kasoo xaqiijiyeen dhinac weliba, waxaana ugu dambeyn la shaaciyay magacyada xubnaha kusoo baxay liiskaan.
Halkaan ka aqriso Magacyada Xildhibaannada Maamulka Waqooyi bari:



Waxaa la filayaa in kulankooda ugu horreeya in ay yeeshaan iyada oo Xildhibaannada iska dhex dooranaya qofka ugu da’da weyn si uu u shirguddoomiyo, kaddib waxaa la qaban-qaabaninayaa doorashada guddoonka sida qorshuhu yahay.
Mustaqbal
