Maxaa ka socda Degmada Doolow ee Gobolka Gedo?

Degmada Dooloow ee Gobolka Gedo waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ciidan oo iska soo horjeeda waxaana wada ciidamada Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas sida ay Mustaqbal u sheegeen ila kala duwan.

Israsaaseyn kooban oo ka dhacday Degmada Dooloow ayaa xaaladda sii adkeysay, waxaana durba dadka halkaas ku sugan ay billaabeen in ay dhegaha la raacaan dhiilada ka dhex jirta Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in diyaarad waday Xildhibaanno, Odoyaal dhaqameed iyo saraakiil ciidan ay degmada gaareen, xilli Dowlad-Goboleedka Jubbaland qorsheyneyso in ay halkaas uu ka dhaco shir looga hadlayo Mustaqbalka Gobolka Gedo.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa kala wada dhaqdhaqaaq iyo abaabul iska soo horjeeda.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Marwada Bashaar Asad oo furiin dalbatay kaddib markii ay la qabsan weysay Nolosha Moscow

Read Next

Muxuu yahay dardaaranka uu Ra’iisul Wasaare Xamsa siiyey Guddiga Doorashooyinka Qaranka?