MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka isaga oo Warbixin ka dhageystay.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga la wadaagay sida ay dowladda Soomaaliyeed uga go’antahay in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah iyadoo awoodda loo celinayo shacabka si ay codkooda ugu soo doortaan madaxda hoggaamineysa.”
Sidoo kale Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre ayaa guddiga kula dardaarmay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl galo hirgalinta Doorashooyinka dalka si hufan oo caddaalad ku saleysan maadaama uu Baarlamaanka dhawaan u dhammeystiray dhammaan shuruucdii fududeyneysay. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo kulan gaar ah isugu yimid November 26, 2024-ka ayaa lagu ansixiyey Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, kuwaas oo ay horgeysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.
Bilowga bishaan kulan ay isugu yimaadeen xubnaha Guddigaan ayaa December 2, 2024-ka waxa ay doorteen hoggaanka guddiga, iyada oo guddoomiyaha guddiga u doortay Cabdikariin Axmed Xasan, halka guddoomiye ku xigeenka loo doortay Saadiq Abshir Garaad.
Guddigaan oo muddooyinkii u dambeeyey kulamo la yeeshay Guddoonka Golaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, ayaa la filayaa in ay kulan la yeeshaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud; oo doonaya in ay doorasho qof iyo cod ah dalka ay ka dhacdo, balse ay diidan yihiin mucaaradka.
Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa laga sugayaa sidii ay uga shaqeyn lahayeen doorasho la wada ogal yahay, taas oo bilowga magacaabista guddigaan ay diidmo kala kulmeen mucaaradka.
Mustaqbal
