Maraykanka oo sheegay in uu lacag abaalmarin ah ku bixinayo xogta Haweeney Soomaali ah

Maraykanka ayaa sheegay in uu abaalmarin lacageed oo dhan $5 Milyan oo doollar uu siinayo qofkii keenaya xogta suuragelinaya in la qabto ama la beegsado Khadra Ciise oo Soomaali ah sidoo kalena dhalasho ka haysata Dalka Netherlands.

Washington ayaa sheegay in haweeneydaan ay halis badan tahay sidaas awgeed loo garanayo umu Qaqa Al-Soomaali kana tirsan tahay kooxda Daacish oo liiska ururrada waxa loogu yeero argagixisada ugu jira Maraykanka.

Dowladda Maraykanka ayaa lacago badan dulsaartay madaxa Soomaali iyo Ajaanib ay Xukuumadda Washington sheegtay in halistoodu badan tahay sidaas awgeed ay ku beegsanaan meel weliba oo suuragal ah sida hadalka loo dhigay.

Si dhab ah Maraykanka u sheegin in Haweenaydaan Soomaalida ah balse dhalashada labaad ka haysata Netherlands meesha ay ku nooshahay waxaana jira tuhuno muujinaya in ay gudaha Soomaaliya joogto inkasta oo aan warkaas la xaqiijin.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Sacuudiga oo sheegay in uu soo riday Diyaarad lagu beegsan rabay Magaalada Maka

Read Next

Roob ka da’ay Muqdisho oo joojiyay shaqada Garoonka Diyaaradaha, Goobaha Waxbarashada & Waddooyinka