Masar oo sheegtay in ay garab istaagayso Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay xoogga saarayso horumarinta iyo awoodda Ciidamada Militariga Soomaaliya si loo dhaqangeliyo iskaashiga ciidan & heshiisyadii ay horay u wada galeen Xukuumadaha Qaahira iyo Muqdisho.

Wafdi ka socda Militariga Masar oo soo gaaray Magaalada Muqdisho lana kulmay saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la wadaagay qorshaha Qaahira ee lagu horumarinayo awoodda Ciidamada Militariga Soomaaliya.

Taliyaha Taliska Taakulaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Maxamed Maxamuud Xuseen Garabey iyo Taliyaha Taliska Tababarka iyo Doktrinka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Axmed Ciise Axmed soo dhaweeyay wafdiga Masar.

Waxa ay dhankooda u sheegay in ay dhaqangelinta heshiiskaas iyo ballanqaadka is dhinac socda uu door muhiim ah ka qaadanayo dhismaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo loo carbinayo in ay mas’uuliyadda Amniga Dalkooda kala wareegay ciidanka AUSSOM.

Masar oo xubin ka ah dalalka ku deeqay Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM weli Soomaaliya ma keenin ciidamadeeda, waxaa socda dedaallo ay kusoo daabulayso Ciidankaas laga sugayo si ay qayb uga noqdaan howlgalkaas fasaxa ka haysta Qaramada Midoobay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

NISA oo sheegtay in howlgallo ay ka samaysay Muqdisho ay ku qabatay Xubno katirsan AS

Read Next

Shiinaha oo u digay Maamulka Cabdiraxmaan Cirro