Sacuudiga oo sheegay in uu soo riday Diyaarad lagu beegsan rabay Magaalada Maka
Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo faahfaahin ka bixisay howlgal lagu soo riday Diyaarad nooca duulliye la’aanta ah oo dul maraysay Magaalada Maka ayaa sheegtay in labada Magaalo ee Barakaysan ay yihiim Khad Cas oo si heer sare ah loo ilaaliyo.
Sacuudiga ayaa sheegay in Magaalooyinka Maka iyo Madiina ay muhiimad gaar ah u leeyihiin guud ahaan Muslimiinta sidaasi awgeed aanay suuragal noqon karin in la beegsano Magaalooyinkaas sida uu yiri Afhayeen u hadlay Ciidanka Difaaca Dalkaas.
Bayaanka kasoo baxay Xukuumadda Riyadh ayaa intaas lagu daray in la joogo waqtigii guud ahaan Muslimiintu ay meel uga soo wada jeysan lahaayeen cid weliba oo damacda Magaalooyinka Barakaysan ee Maka Al-mukarama iyo Madiina Al-munawara.
Colaadda Sacuudiga kala dhaxeysa Xuutiyiimta Yemen ayaa sii korortay todobaadyadii lasoo dhaafay iyada oo kooxaha Xuutiga ay beegsadeen xarumaha Shidaalka, Garoomo Diyaaradeed iyo Saldhigyo Ciidan, halka Riyadh ay qaadday weerarro jawaab ah sida ay hadalka u dhigtay.
Dhanka kale Afhayeen u hadlay Xuutiyiimta Yemen ayaa beeniyay inay beegsadeen Magaalada Barakaysan ee Maka Al-mukarama, waxa uu war aan sal iyo raad lahayn ka dhigay Eedaha uga yimid Boqortooyada ay is hayaan ee Sacuudi Carabiya.
Mustaqbal
