Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, oo sidoo kale ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii labaad ee Dowlad-goboleedka Jubbaland.
Madaxweynaha ayaa sheegay in marxuumku uu lahaa door muhiim ah oo uu ka soo qaatay hannaanka nabadeynta iyo dowlad-dhisidda dalka.
“Cabdiqaadir wuxuu ahaa halyey Soomaaliyeed oo ku suntanaa danta guud, nabadda iyo midnimada. Waxaan leeyahay: Ilaahay ha u naxariisto, qoyskiisana samir iyo iimaan ha ka siiyo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa tacsi gaar ah u diray ehelka marxuumka, shacabka Jubbaland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.
Mustaqbal
