Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya
Waxaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Jubbaland,
Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere, kadib xanuun uu muddooyinkii dambe la ildarnaa.
Geerida Alle ha u naxariistee Madaxweyne ku xigeenka ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo tacsi u diray ehelkiisa, shacabka Jubbaland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.
Mudane Lugadheere wuxuu ka mid ahaa masuuliyiinta sare ee Jubbaland, isagoo door muhiim ah ka soo qaatay dowlad dhiska iyo nabadda gobolka.
Mustaqbal
