Wasiirka Amniga XFS “Waa lala xisaabtami doona dadka hurinaya Colaada Caabudwaaq”

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in lala xisaabtami doono dadka hurinaya xiisadda ka taagan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Qoraal uu soo saarey Wasiir Fartaag wuxuu ku baaqay in nabada la ilaaliyo lagana fogaado wax kasta oo keeni kara inuu dhiig kale daato.

“Culumada, odayaasha dhaqanka, iyo waxgaradka degmada Caabudwaaq, waxaan ugu baaqayaa in ay u istaagaa xal u helidda colaadda, dhexdana ay u xirtaan sidii ay u dejin lahaayeen, qof walba oo gacan ku leh hurinta dhibaatada waa lagula xisaabtami doonaa, sharciga ayaana horgeynaynaa” ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Wasiir Fartaag ayaa ku adkeeyey hay’adaha amniga gobolka iyo maamulka Galmudug in ay si dhow uga wada shaqeeyaan nabadaynta iyo joojinta colaadda deegaanka ka soo cusboonaatay.

Dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Caabudwaaq ayaa waxaa la soo warinaya in ay ku geeriyoodeen ilaa shan ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamay. Dagaalka ayaana salka ku haya saldhiga Booliiska Magaalada oo muran ka taagan yahay halka laga dhisayo.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka tacsiyeeyay geerida Madaxweyne ku xigeenkii Jubbaland

Read Next

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay gobolka Jubbada Hoose