Madaxweyne Xasan Shiikh oo billad sharaf guddoonsiiyay Ramlo Cali

Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xiddigta Soomaaliyeed ee caanka ka ah ciyaaraha feerka caalamiga ah, Ramla Cali, oo si sharaf iyo karaamo leh ugu matasha calanka iyo magaca Soomaaliya tartamada caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ramla Cali dadaalka, adkaysiga iyo kartida ay ku gaartay heerka ay maanta taagan tahay, isaga oo tilmaamay in ay tusaale u tahay dadaal, dhiirrigelin iyo midnimo ay ku faanayaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Ramla Cali ay astaan u noqotay gabdhaha Soomaaliyeed ee doonaya in ay guul ku gaaraan halgan adag iyo shaqo joogto ah, iyadoo dunida u muujisay sawir wanaagsan oo ku saabsan aqoonta, hibada iyo geesinimada Soomaalida.

Intii kulanku socday, Madaxweynaha ayaa Ramla Cali guddoonsiiyey shahaado sharaf, isaga oo uga mahadceliyey kaalinta ay ka qaadatay kor u qaadista sumcadda dalka iyo dhiirrigelinta ciyaaraha, gaar ahaan ka qeybgalka gabdhaha Soomaaliyeed ee ciyaaraha caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku adkeeyey in Dowladda Federaalka ay mar walba garab taagan tahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkeena ku metela heerarka caalamiga ah, si loo dhiirrigeliyo jiilalka soo socda ee ku jira safka isboortiga iyo hal-abuurka kale.

Ramla Cali ayaa dhankeeda uga mahadcelisay Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed taageerada iyo soo dhoweynta ay mar walba ka heshay, iyadoo ballan qaaday in ay sii wadi doonto matalaadda sharafta leh ee qarankeeda, isla markaana ay dhiirrigelin doonto gabdhaha iyo dhallinyarada Soomaaliyeed si ay u gaaraan guulo la mid ah.

Mustaqbal.

MM Staff

Read Previous

Imaaraatka oo Soomaaliya ku daray Dalalka uu ka mamnuucay Fiisaha dalkaas in ay helaan sanadka 2026

Read Next

Madaxwaynah DG Puntland oo Bosaaso ku qaabilay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya