Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Madaxweynaha Dowladda goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari maanta ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Mareykanka, oo uu hoggaaminayo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Ambassador Richard Riley,
Wafdigan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha Hawlgalka Gaarka ah ee Africa , Major General Claude K. Tudor JR iyo Taliyaha Hawlgalka gaarka ah ee Bariga Africa Col. Benander.
Kulanka madaxweynaha maamulka Puntland iyo Wafdiga ka socday Mareykanka ayaa diiradda waxaa lagu saaray xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada, Amniga, Siyaasadda iyo ladagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada.
Wafdigaan ka socday dowladda Mareykanka ayaa boggaadiyey Hawlgalada ka dhanka ah Daacish ee ka socda deegaannada maamulka Puntland, gaar ahaan guulaha laga gaaray Hawlgalka buuraha Calmiskaad.
Inta ay socotay qaabilaada wafdiga, Saraakiisha Maraykanka ee hawlgalka gaarka ah ee Africa, ayaa kulan doceed la qaatay Saraakiisha Hawlgalka Hillaac ee ka socda buuralayda Calmiskaad.

Booqashadaan ayaa ku soo beegmaysa xilli September 17, 2025 Mareykanka sheegtay in ganacsade hub oo ka tirsana Al-Shabaab ay ku dileen duqeyn cirka ah oo ka dhacday meel u dhow magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.
AFRICOM ma sheegin magaca shaqsiga ay dileen, balse waxaa hore loo hayay xogta in duqeynta uu ku geeriyooday Nabadoon Cumar Cabdullaahi oo ka mid ah nabadoonnada aad looga yaqaan gobolka Sanaag.
Mustaqbal
