Madaxweynaha Jubbaland oo isku shaandheyn ku sameeyay Qaar kamid ah Wasiiradiisa.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa isku shaandheyn ku sameeyey qaar kamid aha golihiisa wasiirada.

Xubnaha isku shaandheynta uu ku sameeyay ayaa u badnaa Wasiiru Dowlayaal iyo wasiiru ku xigeeno uu horay u magacaabay.

Wasiiru Dowlayaasha isbadalka lagu sameeyay Waxaa kamid ah Madaxtooyada, Amniga, Dastuurka iyo Maaliyada.

Sida ku cad Digreetada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Cabdiraxmaan Xasan oo loo magacaabay Wasiiru Dowladaha Dastuurka, halka Xilka Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada loo magacaabay Xirsi Jaamac Gani.

Isaaq Maxamed Xasan ayaa loo Magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga, halka Maxamed Ibraahim Amiin loo Magacaabay Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Maaliyadda.

Xubnaha Wasiir ku xigeenada ah ee uu Magacaabay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe waxaa kamid ah:

Saleemaan Maxamed Maxamuud Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland iyo Maxamed Cabdinuur Beerxaani Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska loo Magacaabay.

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-9/

Mustaqbal media

Read Previous

Dagaal u dhaxeeya Oromada iyo Soomaalida oo ka socda Mooyaale

Read Next

Gaadiid Xamuul ah oo ku xannibay Gobolka Shabeelaha Hoose.