Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya
Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay sheegayaan in Gaadiid Xamuul ah oo u socda Gobolo dhaca Koofur Galbeed iyo Jubbaland ay ku xanniban yihiin inta u dhaxeysa Afgooye iyo Carbiska.
Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle oo lahadlay Mustaqbal ayaa sheegay in gaadiidkaas ay u xanniban yihiin Ciidamada Dowladda iyo kooxo kale oo ku labisan Dariiska Ciidamada Dowladda.
Waxa uu sheegay in uu ay la hadleen Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka ka howlgalka balse ay u sheegeen in ay ka weyn tahay howshaan, maadaama ay ka cabanayaan mushaar la’aan sida uu hadalka u dhigay.
Gudoomiye Cabdifitaax ayaa Madaxda Dowladda Federaalka iyo Saraakiisha Ciidamada ka dalbaday in si deg deg ah ay u farageliyaan dhibaatadaan heysata Gaadiidleyda Xanniban.
Waxa uu intaa ku daray lacago dheeraad ah lagu soo rogay, gaadiidleydana aan awoodin, sidaa awgeed gaadiidkooda uu ka hakaday safarkoodii, xili lagu guda jira Waqti Roobaad.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa bishii May sanadkii 2017-dii xilli uu tagay Degmada Afgooye amar ku bixiyay in gacan adag lagu qabto Ciidamada lagu eedeeyo dhigashada jidgooyooyinka.
