Dagaal u dhaxeeya Oromada iyo Soomaalida oo ka socda Mooyaale

Malleeshiyo ka kala tirsan Soomaalida iyo Oromada wada dega Degaanka Mooyaale ayaa ku dagaallamaya halkaas.

Khasaare nafeed ayaa soo kala gaaray labada dhinac ee Dagaallamaya,waxaana la sheegayaa in dagaalka oo wali socda ay ilaa hadda ku dhinteen

Dadka ilaa hadda dhintay waxaa ay gaarayaan 5 Qof halka ay 13 kale ku dhaawacmeen,waxaana dagaalkaas uu billowday Shalay.

Labada dhinaca ayaa dab qabadsiiyay Guryo iyo Xafiisyo,sida uu sheegay C/Fitaax Maxamed oo ka mid ah Soomaalida Mooyaale.

Meelaha la wax yeelleeyay waxaa ka mid ah Iskuullo, Xafiisyo Dowladeed iyo Xarumo kale mana jirto ilaa hadda cid ka hadashay,waxaana ku barakacay Boqolaal qof oo labada dhinac ka tirsan.

Dhowrkii Sano ee la soo dhaafay ayey labada dhinac ku dagaallamayeen degaankaas,waxaana ay isku heystaan dhul ballaarsi .

 

Mustaqbal media

Read Previous

Xildhibaannada Galmudug oo ansixinaya Wasiirradii uu magacaabay Xaaf

Read Next

Madaxweynaha Jubbaland oo isku shaandheyn ku sameeyay Qaar kamid ah Wasiiradiisa.