Madaxweynaha Itoobiya oo warqdaaha Safiirnimo ka gudoontay Danjiraha Soomaaliya

Danjiraha Soomaaliya u fadhin doonaa Ethiopia Cali Shariif Ahmed ayaa maanta oo  u gudbiyey Warqada magacaabistiisa (Accreditation Letter) Madaxweynaha Ethiopia Sahle-Work Zewde, madaweyne Zewde ayaa kaguuddoontay warqadaha  Safiirka Soomaaliya u joogi doona magaalada Addis Ababa.

Madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work Zewde & Danjiraha SOomaaliya Cali Shariif Ahmed

Safiirka ayaa Madaxweynaha Ethiopia u gudbiyey salaan uu uga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweynaha Ethiopia Marwo Sahle-Work Zewde ayaa Safiirka ka gudoontay warqada magacaabista, waxayna ka tacsiyeysay dadkii wax-ku-yeeloobay qaraxii ka dhacay Caasimada dalka ee Muqdisho 22 December 2018.

Anshaha Diblomaasiyadda ee Dalalka u dhexeeya

Madaxweynaha ayaa xustay ahmiyada xiriirka ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia inuu yahay mid xooggan, loona baahanyahay in labada dal ay ka faa’ideystaan.

Mustaqbal media

Read Previous

Wasiirka Maaliyadda Galmudug oo booqday isbitaalka Cadaado

Read Next

Isku shaandheynta Xukuumadda Sucuudiga