Wasiirka Maaliyadda Galmudug oo booqday isbitaalka Cadaado

Wasiirka Maaliyadda dowlad Goboleed Galmudug ayaa maanta booqday isbitaalka dagmada Cadaado oo ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay dagaalkii shaley ka dhacey deegaanka Kaxandhaale ee Gobolka Galguduud.

Siciid Siyaad Shirwac wasiirka Maaliyada Galmudug iyo masuuliyiin lasocotey ayaa booqday qeybaha kala duwan ee isbitaalka Cadaado iyo dhaawacyada si loola socdo xaaladooda Caafmaad.

Wasiirka Maaliyadda Galmudug Siciid Siyaad

Wasiirka oo war-fidiyeenka kula hadlay Isbitaalka ayaa sheegey in shacab walba looga baahanyahey in lashaqeeyaan dowladooda si ay u kala badbaadaan,waxa uu sheegey in aysa jirin cid umaqan sidaas darteedna ay iska dhaafaan dagaalka.

Waxa uu sheegey dadka ku dagaalamaya deegaanka Kaxandhaale dhamaantood yihiin reer Galmudug uuna aad ugu xunyahey daagaalka ku soo laalaabtey deegaanka Kaxandhaale ee Bartamaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxa uu umahad celiyey dhaqaatiirta iyo howl wadeenada Isbitaalka degmada Cadaado oo uu sheegey in ay qabteen shaqo aad u wanaagsan.

Mustaqbal media

Read Previous

Taliyayaasha qeybta 12ka April ee ciidanka Xoogga Dalka oo la magacaabay

Read Next

Madaxweynaha Itoobiya oo warqdaaha Safiirnimo ka gudoontay Danjiraha Soomaaliya