Isku shaandheynta Xukuumadda Sucuudiga

Sawirka BANDAR AL-JALOUD/AFP/GETTY IMAGES

Diiwaanka Boqortooyada Sucuudiga ayaa soosaaray awaamiir boqortooyo oo kusaabsan iskushaandheynta iyo dib u qaabeynta qaabdhismeedka golaha Wasiirada ee Boqortooyada Sucuudiga oo uu guddoomiyo boqor Salmaan Bin Cabdilcasiis, iskushaandheyntan oo taabatay dhowr wasaaradood oo muhiim ah ayaa sidoo kale waxa ay saameysay golaha siyaasadda iyo nabadgelyada boqortooyada oo uu guddoomiyo dhaxal sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, iyada oo Boqorku faray in dib u qaabeyn lagu sameeyo golaha siyaasadda iyo nabadgelyada  ee Boqortooyada Sucuudiga.

Wasaaradaha ugu muhiimsan ee Dib u qaabeynta xukuumadda Sucuudigu saameysay waa wasaaradda Arrimaha dibadda iyada oo wasiirkii Arrimaha dibadda Caaddil Aljubeyri laga qaaday xilkaas loona magacaabay Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda, waxaa xilka wasaaradda Arrimaha dibadda qabtay Ibraahim Bin Cabdulcasiis.

Isbeddelka qaabdhismeedka xukuumadda Sucuudiga ayaan saameyn wasaaradda arrimaha gudaha iyada oo Amiir Cabdulcasiis Bin Sucuud sii haynayo xilka arrimaha gudaha balse Amiir Cabdullaahi Bin Bandar ayaa loo magaacabay wasiirka Illaalada Boqortooyada.

Danjirihii Sucuudiga ee Ingiriiska ayaa laga qaaday xilka danjirenimo iyada oo loo magacaabay la taliyaha boqor Salmaan.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa loo magacaabay Turki cabdullaahi, halka hay’adda Murtida iyo madadaalada loo magacaabay Turki Aala Sheekh iyada oo ciyaarahana loo dhiibay Turki Faysal.

Ammaanka Boqortooyada ayaa loo magacaabay Gaashaanle sare Khaalid Xarbi

Waa kuma Wasiirka cusub ee Arrimaha dibaddu?

Ibraahim Bin Cabdulcasiis wasiirka cusub ee Arrimaha dibadda Sucuudiga, waxa uu kamid ahaa dadkii uu xiray Maxamed Bin Salmaan balse la sii daayey

Ibraahim Bin Cabdulcasiis Alcasaaf ayaa noqday Wasiirka maaliyadda ee Sucuudida sanadkii 1996, waxa uu hayey xilkaas illaa 2016, kahor intii aan isbeddelka cusub u magacaabin Wasiirka Arrimaha dibadda waxa uu ahaa Wasiiru-dowle iyo xubin katirsan golaha Wasiirada, waxa uu kamid noqday madaxdii lagu xayiray Hotelka Ritz-Carlton ee magaalada Riyaad oo loo haystay eed la xiriirtay musuqmaasuq balse si dhaqsi ah ayaa loo sii daayey kaddib markii ay soo baxday in aanay caddeyn iyo jiritaan lahayn eedaha loo jeediyey intii uu hayey xilka wasaaradda maaliyadda.

Boqorka Sucuudiga iyo Dhaxal sugaha ayaa laga soo billaabo horraantii Oktober-2018 waxa ay wajahayeen eed caalami ah oo la xiriirta sidii ay boqortooyadu u fulisay dilka Suxufigii u dhashay Sucuudiga Jamal Khashoqji oo lagu dhex dilay safaaradda Sucuudiga ee Istanbuul balse ay boqortooyadu ka soo saartay dilkiisa warar is khilaafsan oo aad u xumeeyey sumcadda iyo xiriirka boqortooyada ee dibadda.

Mustaqbal Radio

Isha: BBC News

General Editor

Read Previous

Madaxweynaha Itoobiya oo warqdaaha Safiirnimo ka gudoontay Danjiraha Soomaaliya

Read Next

Shabaab oo lagu eedeeyay iney qarxiyeen ceel ku yaala Ceel Muluq, Sh.Dhexe.