MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Maamulka Jubbaland ayaa war ka soo saaray xiisadda taagan gobolka Gedo ee u dhaxeysa Ciidanka Dowladda Federaalka iyo askarta Daraawiista dowlad goboleedkaasi.
War-saxafadeed ka soo baxay maamulka jubbaland ayaa looga hadlay dagaallada ka dhacay magaalooyinka Doolow iyo Beledxaawo ee gobolka Gedo, iyaga oo eedeyn u jeediyay Dowladda Federaalka.
Bayaanka ayaa si gaar ah looga hadlay ciidamada Dowladda ee ku sugan xirada UK oo lagu eedeyay in ay dhaqdhaaqyo ka wadaan gudaha magaalada Beledxaawo.
Sidoo kale, Jubbaland waxaa ay ka hadashay dagaalka xalay ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo, iyaga oo tilmaamay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaalkaasi.
Dhinaca kale, Jubbaland ayaa dowladda Federaalka ku eedeyay in ay xayiraado ku soo rogtay garoomada diyaaradaha gobolka Gedo.
Marka laga soo tago eedeynta Maamulka Jubbaland ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka oo la xiriira xaaladda gobolka Gedo oo dhinacyo kala duwan isku hayaan.
Mustaqbal
