Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay
Lataliyahii Amniga Qaranka Xuseen Macallin Maxamuud ayaa shaaciyay in uu iscasilay, ka dib markii uu warqadda shaqo ka tagista uu u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Shaqo ka tagista Xuseen Sheekh ee xafiiska Amniga Qaranka ayaa ku soo beegmaysa ka dib khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo muddooyinkii dambe uu hakad ku yimid wada shaqeynta ka dhaxaysay.
Sida ay ogaatay Mustaqbal Media Xuseen Sheekh ayaa warqaddiisa iscasilaadda u gudbiyay madaxweyne Xasan Sheekh balse madaxweynaha uu ku qanciyay in uu Xafiiska sii joogo, isaga oo ka cudur daartay Xuseen oo xilkaan hayay tan iyo markii dib loo doortay Madaxweynaha.
Xuseen Macallin oo ah Walaalka Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya Xassan Macallin ayaa bartiisa gaarka ee Twitter ee hadda loo yaqaana X ku muujiyay shaqo katigistiisa, taas oo banaanka u soo baxday in uu shaqada ka tagay.
Xilka uu baneeyay Xuseen Macallin ayaa durba waxaa loo galay loolan, musharraxiinta lagu wado in loo magacaabo waxaa ka mid ah Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga hadda ah Wasiirka Dekada Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xuseen Macallin, u magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka 24-ka May 2022-kii, 11 maalin uun ka dib markii madaxweyne Xasan Sheekh dib loo doortay.
Xuseen Macallin oo aqoon durugsan u leh qaab-dhismeedka amniga qaranka, ayaa horey u soo noqday Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynihii 9-aad, Lataliye Sare oo dhanka Amniga iyo Ladagaallanka Argagixisada ah Madaxweynihii 8-aad, Xubin ka tirsan Golaha Amniga Qaranka, isagoona ka soo qabtay xilal sarsare Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.
Mustaqbal
