Suuriya oo qabaneysa Doorashooyin

Dalka Suuriya ayaa la filayaa in laga qabto doorashooyinka baarlamaanka bisha Sebtembar, sida uu shaaciyay, Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Doorashooyinka Golaha Shacabka, Maxamed Taha al-Axmad

Doorashooyinka ayaa la qaban doona inta u dhaxeysa 15 ilaa 20-ka Sebtembar, waana kuwii ugu horreeyay ee dalka ka dhaca tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore Bashaar al-Asad.

Waxaa la filayaa in saddex meelood meel kuraasta Golaha Shacabka oo tiradoodu tahay 210, uu magacaabo Madaxweyne Kumeelgaarka ah Axmed al-Sharaa, halka inta kale lagu soo dooran doono codbixin guud.

Sida uu sheegay xubin kale oo guddiga doorashooyinka ka tirsan, Xasan al-Daghiim, wareysi uu siiyay bogga Erem News, waxaa gobol kasta oo Suuriya ah laga hirgelin doonaa gole doorasho oo maamula kuraasta la dooranayo.

Doorashadan ayaa imaanaysa iyadoo Suuriya ay wali wajahayso caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni, balse maamulka cusub ayaa ku adkeysanaya in doorashada ay horseedi doonto xasilooni siysiyaasadeed.

Mustaqbal

 

 

MM News

Read Previous

Ciidanka Itoobiya oo weerarey xero ciidanka NISA ku leeyihiin Doolow

Read Next

Maxay ka dhigantahay iscasilaadda Lataliyihii Amniga Qaranka Xuseen Macallin?