Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?
Tababaraha dhawaan galka ah ee xulka Spain ee Luiz Enrique ayaa ammaan kala dul dhacay daafaca xulka Spain iyo kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos.
Tababarihii hore kooxda Barcelona ayaa kaga faa’ideestay shirkiisa jaraa’id inuu ku amaano kabtanka xulka qaranka Spain iyo kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos.
“Ramos Waa ciyaaryahan weyn, waa hogaamiye weyn gudaha garoonka iyo banaanka intaba, ma weydiisan karno wax badan, waan ku faraxsanahay isaga”.
“Waxaan u dhaqaaqi doonaa garoonka Wembley si aan kula soo ciyaarno xulka qaranka England, inkastoo kulanka uu yahay mid aad u adag, hadana waxaa muhiim ah inaan ku raaxeysano”.
“Waxaan ciyaari doonaa qaab weerar isla bilawga ciyaarta, si aan u xakameyno ciyaarta isla markaana aan u sameyno fursado badan inta ugu macquulsan”.
Intaas kadib macalinka xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa wuxuu ka hadlay wararka shakiga galinaya awooda ciyaareed goolhaayaha kooxda Manchester United ee David de Gea wuxuuna si cad u sheegay inuu ku kalsoon yahay tayadiisa.
“Ma jiraan wax shaki ah aan ka qabo awooda ciyaareed ee David de Gea, wuxuu mar walba ahaan doonaa kan koowaad”.
