Diego Maradona oo loo magacaabay Tababaraha kooxda Dorados de Sinaloa.

Halyeeygii hore ee kooxaha Barcelona Napoli iyo xulka Argentina Diego Maradoona ayaa loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda Dorado see ka dhisan dalka Mexica.

57-jirka ayaa waqtiyo gaaban xilka u soo qabtay kooxaha Mandiyu de Corrientes iyo Racing Club ee ka dhisan dalkiisa hooyo ka hor inta aan loo Magacaabin Tababaraha xulka qaranka Argentina.

Maradona ayaa soo hogaamiyay xulka uu Messi kabtanka u yahay 19 kulan intii u dhaxeysay November 2008 ilaa July 2010 isagoona xulkiisa ku hogaamiyay koobkii adduunka ee 2010 lagu qabtay dalka South Africa.

Waxaa dabadeed sanadkii xigay loo Magacaabay xilka kooxda Al Wasl  ee ka dhisan Imaaraadka. Laakiin wuxuu adkaaday 7-kulan oo qura 22 kulan uu leyliyay kooxda Carbeed.

Maradona ayaa ka soo tagay Al Wasl bishii July 2012, shan sano ayuuna sugayay shaqadiisa xigta ee Tababaranimo wuxuuna qabtay kooxda Fujairah bishii Abril ee sanadkii tagay.

Rikoodh Cajiib ah ayuu ka sameeyay naadiga Fujairah 52.3% ayuuna guul gaaray sanadka qura uu la joogay ka hor inta uusan qaban xilka Madaxtinimo ee Dynamo Brest.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Luis Enrique:”Ramos waa ciyaaryahan leh awood hogaamin koox iyo xulkba”

Read Next

Benjamin Pavard oo dhaawac soo gaaray, Imisa ayuu garoomada ka maqnaanayaa?