Leroy Sane Oo Laga Reebay Safka Xulka Germany ee ka hortagaya Peru.

Laacibka kooxda Man City iyo xulka Germany Leron Sane ayaa gabi ahaanba laga saaray safka xulka Germany ee ka hortagaya xulka Peru.

Leroy Sane ayaa ciyaaray daqiiqadihii ugu dambeeyay ee xulka qarankiisu bar-baraha 0/0 ah la galay xulka France kulankii ugu horeeyay ee horyaalka xulalka ee UEFA National League.

Xiriirka ayaa maanta xaqiijiyay in uu Sane ka tagay tababarka xulkiisa kadib markii uu ogolaansho ka helay maamulka xulkiisa iyo tababaraha xulka qaranka ee Low.

Maamulka xiriirka Germany ayaa sheegay in uu sane arimo shaqsi ah uga baxay tababarka xulka qarankiisa kadib markii uu ka qayb qaatay kulankii France.

Sane ayaa si la yaab leh looga reebay Liiska xiddigihii xulka Germany uga qayb qaatay koobkii adduunka ee ka dhacay dalka Russia niyad jabkana kala kulmeen.

Leroy Sane ayaa amaan weyn ka helay xiddiga ay isku xulka yihiin ee Toni Kroos ka hor kulankii France isaga oo sheegay in uu leeyahay tayo uu ku noqon karo xiddig cajiib ah.

Xiddigan da,yarka ah ayaa seegi doona kulanka uu xulka Germany la ciyaari doono Peru kulan ka tirsan kulan saaxiibtinimo ah oo uu doonayo in uu ugu soo laabto wadada saxda ah.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Somalia: Regional states suspended all ties with Federal Government

Read Next

Luis Enrique:”Ramos waa ciyaaryahan leh awood hogaamin koox iyo xulkba”