Laacibka dhawaan galka ah ee kooxda Arsenal Lucas Torriera ayaa dhaawac soo gaaray kulan xulkiisa uu guul gaaray.
Xiddiga khadka dhexe ayaa la badalay qaybtii hore kulankii uu xulkiisu guusha ka gaadhay Mexico kulan ka tirsanaa kulamada saaxbiibtinimooyinka xulka Uruguay ee bisha September.
Lucas ayaa ku bilowday kulankiisii ugu horeeyay ee xulka qarankiisa kadib koobkii adduunka isaga oo ka caawiyay in ay 3/1 ku baxaan qaybtii hore ee ciyaarta.
Kadib markii uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulankii Cardiff city waliba caawiyaha ka noqday goolkii guusha ee uu dhhaliyay Lacazetter dhaawaca xiddigan ayaa wal-wal ku ah taageerayaasha iyo waliba kooxda Arsenal.
Xiddigan ayaan la ogayn sida ay wax u soo gaadheen laakiin wararka ayaa sheegaya in ay khatar tahay marka loo eego in uu xiddigu wadan kari waayay qaybtii dambe ee ciyaarta.
Torreira ayay u badantahay in uu seego kulanka 2-aad ee uu xulka qarankiisu ciyaari doono hadii uu dhaawaciisu halis noqdo iyada oo haatan laga war sugayo baadhitaano uu maray.
Dhaawaca xiddigan ayaa dhirbaaxo ku ah tababare Emery kaas oo doonayay kana shaqaynayay qaabkii uu xiddigu ula qabsan lahaa qaab ciyaareedkiisa cusub ee Arsenal.
