Paulo Dybala oo doonaya inuu u dhaqaaqo Real Madrid.

Weeraryahanka Juventus Paulo Dybala ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Real Madrid bisha janaayo.

Laacibkan ayaa qorsheynaya in bisha janaayo uu gabi ahaanba isaga hayaamo kooxda ka dhisan magaalada Turino ee Juventus.

Tan iyo markii uu kooxda kuso biiray C.ronaldo waxaa mugdi galay mustaqbalka Dybala oo inta badan kaso muuqda kursiga keynka wuxuuna xidiga quudareynayaa in uu u dhaqaaqo kooxda Madrid bisha janaayo.

Dybala ayaa Juve uga soo biiray Palmero xagaagii 2015, ciyaaryahanka reer Argentina ayaa dhaliyay 68 gool 142 kulan oo uu u saftay kooxda Talyaaniga tartamada oo dhan.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Liverpool oo wadahadalo heshiis kor dhin ah kula jirto Joe Gomez.

Read Next

Lucas Torriera oo dhaawac soo gaaray, imisa ayuu maqnaanayaa?